Diyaarad uu la socday Madaxweyne ku xigeenka Malawi oo la waayay

Diyaarad nooca Militariga ah oo uu la socday Madaxweyne ku xigeenka Dalka Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Dalkaas oo xogtaan si kooban Warbaahinta ula wadaagay.

Diyaaradaha militariga ayaa ku howlan baadi-goobka Madaxweyne ku xigeenka Dalkaas waxaana loo badinayaa in ay cillad qabsatay ama shil gashay inkasta oo aanay warkaasi xaqiiqsaneen balse waa mid kamid ah hadal-haynta taagan.

Xiriirka Diyaaradda ayaa la waayay waxaana Isgaarsiinta gaarka u ah Diyaaradaha laga la’ yahay Diyaaraddaas uu la socday Madaxweyne ku xigeenka Dalka Malawi, waxaa la socday 9 xubnood oo aan la shaacin derajaooda iyo xogtooda.

Diyaaraddu waxa ay kasoo duushay Caasimadda Dalka Malawi ee Lilongwe waxa ay ku guuldaraysatay in ay ku degto Garoonka Caalamiga ah ee Mzuzu oo 370 KM kaga beegan dhanka Waqooyi ee xarunta Dalkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed