Dibadbaxyo ka dhan ah Itoobiya oo ka dhacay Boorama

Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal saaka waxaa ka dhacay Bannaanbaxyo balaadhan oo ka dhan ah Dowlada Itoobiya kaas oo ku saabsan Hishiis Soomaliland la gashay Itoobiya oo ka dhan ah Badda .

Qaar kamid ah dadwaynahan oo muuqaalo iska soo duubay iyaga oo sita qaar kamid ah hubka fududu, ayaa sheegay in anay aqbalayn in ciidamo Itoobiyaan ahi ay yimaadaan dhulkooda.

“Dagaal ayaanu ka xignaa, hubkayagiina wakaas oo waad aragtaan intiisii u horaysay, anaga Oromo in uu badayada yimaado ma ogolin, dagaal ayaananu ka xignaa, bada Soomaali ayaa leh, Somaliland wax la yidhaahdana maba garanayno, Somaliland ma mid dhulka iibisa ayay noqotay” ayey lahaayeen qaar ka mid ah dadkii soo Banbaxay.

Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in Somaliland ay u sheegtay in ay saldhiga ka siin doonto deegaanka xeebta ah ee Lughaya ee galbeedka Somaliland.

Halkan ka daawo Muuqaalka Dibadbaxyada 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed