Dhul-gariir Xooggan oo ku dhuftay Koofurta Taiwan

Dhul-gariirkii ugu xoogganaa muddo 25 sano ah ayaa ku dhuftay Taiwan gaar ahaan dhinaca Xeebta Koofureed waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 4 ruux halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 700 oo kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Maamulka.

Awoodda Dhul-gariirka ayaa lagu qiyaasiyay in uu gaarayo 7.4 Magnitude waxaana uu ku dhuftay subaxnimadii hore ee Arbacada Maanta Magaalo xeebeedka lagu magacaabo Hualien waxaana dumay qaar kamid ah dhismaha halkaas ku yaalla.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ay arkeen dhismaha qaar oo dumay halka qaar kale ay jaleecaan ama dhinac u janjeeraan waxa ay taasi dhalisay cabsi kale oo la xiriirta in khasaare kale halkaas ka dhalan karo haddii aanay kahortag iyo wacyigelin la samayn.

Taiwan waxaa horay usoo gaaray Digniin uga timid dhinaca Japan oo dhul-gariirkaan laga saadaaliyay in uu dhinaca Xeebta uga gudbi doonno Ismaamulkaan yar ee weli ku hoos nool maamulka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Sawirro laga soo qaaday Magaalada Caasimadda u ah Taiwan ee Taipei waxaa ka muuqday dhismo ruxmaya ama lulmanaya kuwaas oo Dadkii degenaa laga saaray markii la dareemay in aanay xaaladdu wanaagsanayn sida hadalka lood higay.

Bulshada Taiwan ku nool waxaa lagu qadaray ama lagu qiyaasay 106,368 sida ku cad daraasad la diiwaangeliyay sanadkii 2014kii ee la geliyay kaydka Wikipedia, Taiwan ayaa ku doodda in ay ka go’day Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha inkasta oo aanay aqoonsi rasmi ah helin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed