DHAWAAN WAXAA MAXKAMADA LA SOO TAAGAY GABDHO ALAADA TIKTOK CAAN KA AH!

Baraha bulshada marka la eego Soomaaliya dadkaqaarka mid waxay baraha bushada u isticmaalaan siyaaboaan ku haboonayn dhaqanka bulshadaMar marka qaarwaxa dhacda, in koox ama shaqsi lagu aflagaadeeyo iyo in laga hadlo waxyaabo anshaxa ka baxsan.

Markii ugu horeysay booliska Soomaaliya ayaa soo xidhaygabdho lagu eedeeyay in ay kicin bulsho ka dhex wadeenalaada TikTok, kuwaas oo markii dambe maxkamada la soo taagay oo dacwadooda lagu qaaday, laguna xukumaylix bilood qofkii ba.

Ururka Somali Resilience Initiative (SRI)ayaa soo qabanqaabiyaya barnaamij looga hadlayay isticmaalka barahabulshadasaamaynta iyo sida kor logo qaadi karo hab isticmaalka wanaagsan ee intarneedkaCaasha Cabdullahi oo ah Afhayeenka ururka SRIayaa ka hadashay wacyi gelinta iyo barnaamijka ay sooagaasimeen;

‘’Barnaamijka waxaan ugu talgalnay haweenka iyo sida kor logo qaadi karo in si wanaagsan loo isticmaalo intarneedka. waxaan aaminsanahay in aan soo qabanqaabinay mowduucan wakhtigii ugu haboona. Sababto ah waxaa waayadan danbe soo badanayay in dhallin yar badan oo TikToisticmaala uga hadlaan qabyaaladkicinbulsho iyo dhaqamo aan wanaagsanayn.”

Dhanka kale Caasha oo ka hadlaysa dhallinyartiidhawaanta la xidhay ayaa dhahday;

“Dowlada Soomaaliya wali wax sharci ah kama ka soo saarin isticmaalka baraha bulshadabalse dhawaan waxaaxirtay dhallinyaro badankuwaas oo muuqaalo ay ku faafiyeen baraha bulshada oo ay dawladdu ku sheegtay in ay kicin bulsho wadeen.”

Najax Faraxoo ka mid ah dadkii ka soo qayb galaybarnaamijka ayaa iyana ka hadashay sida ay u aragtogabdhihii dhawaan la xiray;

‘’Arrin aad muhiim u ah bay ahayd in la maxkamaddeeyogabdhihii lagu soo eedeeyay in ay kicin bulshosameynyayeeQofkii wax qaldan sameeya waa muhiim in bulshada laga qabto oo ay dareeman in sharci jiro.”  

In kasta oo ay maxkamadda gobbolka Benaadir xukun kuriday shan gabdhood oo alaada TikTok caan ka ah, balsexukunka ka dib waa la sii daayay iyada oo aan bulshadalala wadaagin in la cafiyay iyo in kale.

Farhio Muraad Bilan Media

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed