DHALLINYARTA AYAA KA CABANAYA DHAQAALE LA’AAN BAAHSAN!

Xogta kobaca dhaqaalaha ee ay sameyso Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in

wax soo saarka gudaha Soomaaliya (GDP) uu kordhay 4.2 sanadkii la soo dhaafay

ee 2023, iyada oo ay shacabka magaaladda Muqdisho ka cabanayaan dhaqaale

xumo baahsan oo soo foodsaartay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 9, bishii Aug 2024,

khudbad uu ka jeediyey masjidka madaxtooyada ka sheegay in dhaqaalaha

Soomaaliya uu sarre u kacay boqolkiiba 50%. Shiidka iyo shaqa la’aanta ay ka

cabanayaan dhallinyarada Soomaaliyeedna ay tahay been iyo borabagaando ay

suuqa soo galiyeen dadkii horay ula shaqeyn jiray Khawaarijta.

 

Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaan wayddiinay aragtidooda ku aadan shaqo

la’aanta iyo shiidka ay ka cabanayaan iyo sida ay arkaan hadalkii Madaxweynaha.

Dr. Xasan, oo ka mid ahaa dadka aragtidooda nala wadaagay ayaa yiri;

“shiidka wuu jiraa. Soomaaliya bilahan hadda lagu jiro oo kalena way iska dhici jirtay

in dhaqaale xumo waddanka ka dhacdo. Marba marka ka dambeysana waxa aad

moodaa in Soomaaliya uu dhaqaalaheedu hoos u dhacayo, qaasatan

dhallinyarada.”

Shukri Faarax, oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaaladda Muqdisho aya

aragtideeda Bilan la wadaagtay ayaa tiri;

“ Waxaa jirta dhaqaale xumo daran, anigan kula hadlaya wuu saameeyey,

sababtuna dhallinyarada badankoodna ma shaqeeyaan, fursado badan oo furan ma

jiraan taas ayaa keenaysa in ciriiri dhaqaalo dhaco.”

Dhanka kale Aadan Macallin oo ka mid ah dadka muruq maalka ah ee ku nool

magaaladda Muqdisho ayaa yiri;

“Magaaladda maamlmahn shiidkeeda wuu iska badanyahay,shaqo la qabto

malahan. Dadkii loo shaqeyn lahaana waxba ma hayaan. Shiidku dadka wuxuu ka

dhigay dad siman oo aan waxba is dhaamin.”

Kiin Hasan Fakat, Bilan Media

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed