Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo saaray fariin muuqaal ah, isagoo ku hanjabay in diyaarado dagaal lagu arki doono dusha magaalada Tehran
Israa’iil ayaa sheegtay in ay dishay 20 ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Iran tan iyo markii uu howlgalku billowday
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sii wada duqeymaha ay ku bartilmaameedsanayaan Iiran – Madaxweynaha Iiran Pezeshkian ayaa ku hanjabay “jawaab daran” haddii Israa’iil ay aysan ka laaban weerarada
Wadahadallada Nukliyeerka ee la qorsheeyay ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran Axaddii ayaa la joojiyay, sida laga soo xigtay Cumaan, ka dib markii Iiran ay ku tilmaantay “mid aan qiil loo heli karin” ka dib weerarradii Israa’iil
Qoysaska Israa’iiliyiinta ayaa dib ugu soo laabanaya guryahooda si ay alaabaha haraadiga u soo urursadaan kuwaasi oo ku burburay duqeyntii Iran ay ka geysatay Rishon LeZion, oo u dhow Tel Aviv, sida uu ku soo waramayo wariyaha BBC.