Dad ku dhintay weerar gaadmo ah oo ka dhacay koonfurta Sudan

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii kolonyo ay la socdeen ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Nyinkwany Aguer Bol, oo ah sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta ee aagga gaarka ah ee Abyei, ayaa ku tilmaamay weerarka, oo Axadii ka dhacay Agok, “isku day dil” oo lala beegsaday saraakiil muhiim ah oo ka tirsan xukuumadda Abyei.

Waxaa kolonyada la socday Wasiirka Dowladda Hoose iyo Hay’adaha Sharci-fulinta, iyo Guddoomiyaha Gobolka Rum-Ameer.

Ciidanka Koonfurta Suudaan kama aysan jawaabin codsigii BBC-da ee ahaa in ay faallo ka bixiyaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed