Ciidamada Deegaanka oo hawlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Mahadaay ku dilay xubno ka tirsan AS

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada deegaanka ay halkaas ay hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyeen degmadaas, iyaga oo halkaas ku dilay xubno ku sugnaa oo ka tirsan AS.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in uu jiro khsaare isugu jiro dhaawac iyo dhimasho. Sidoo kale, war qoraal oo lagu qoray Warbaahinta Qaranka  ayaa lagu sheegay in ciidamada macawiskeyda ay Al-shabaab ka furteen hub iyo saanad ciidan.

Ciidamada Macawisleyda ayaa la wareegay goobahii ay hawlgalka ka fuliyeen oo ay ka sugnaayeen AS ee Gobalka shabeellaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgallo ka wadeen deegaannada gobalka shabeellaha dhexe.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed