Antonio Guterres oo booqanaya xadka Gaza iyo Masar

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah inuu booqdo xadka u dhaxeya Gaza iyo Masar, si uu u riixo dadaallada caalamiga ah ee lagu rabo in xabbad-joojin lagaga hirgeliyo Marinka Gaza.

Qaramada Midoobay, Hey’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee Gaza ayaa ka digay, in guud ahaan malaayiinta qof ee ku go’doonsan Gaza ay galeen xaalad macluul ah, isla markaana ay dadku billaabeen in maalin walba ay gaajo u dhintaan.

Xaaladdan daran ee macluusha ayaa ka danbeysay kaddib dagaal iyo duqeymo aan kala go laheyn oo ay ciidamada Israil ku hayaan Gaza muddo ka badan shan bil, dagaalkaas oo ka dhashay weerarki ay Xamaas Isaril ku qaadday bishi October ee sannadki hore.

Booqashada xadka Rafax ee Antoni Guteresh ayaa imaaneysa xilli ay Israil ku hanjabtay in ay weerar lixaad leh ku qaadi doono magaalada Rajax ee Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo ruux oo barakac ah isla markaana la ildran gaajo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed