Wararka ka imaanaya Magaalada Moscow ee Caasimadda Ruushka ayaa kusoo warramaya in maanta qarax lagu dilay Madaxii tababarrada Ciidamada Dalkaas oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto Fanil Sarvarov oo la shegay in qaraxaas loogu xiray Gaarigiisa.
Guddiga dambi baarista Ruushka ayaa sheegay in sarkaalkaan uu ku dhintay isla goobta maadaama burbur xooggan uu gaaray Jirkiisa iyo gaarigiisa sida ka muuqata sawirro lagu soo bandhigay Baraha Bulshada.
Ninkaan waxa uu ahaa Madaxa tababarrada ciidamada Ruushka, sidoo kale waxa uu si dadban u hayay shaqada ah Madaxa howlgelinta ciidanka, waxa uu la shaqaynayay Guddi si gaar ah Madaxweyne Vladimir Putin uu ugu xilsaaray arrimaha ciidamada.
Ruushka ayaa durba dusha ka saaray Dalka colaadda kala dhaxaysa ee Ukraine, waxa ay Moscow ku eedeysay dhiggeeda dagaalka kala dhaxeeyo ee Kyiv in ay sirdoonkooda ka dambeeyaan qaraxaas lagu xiray Gaariga Sarkaalkaan.
Ukraine weli kama hadlin eeddaas loo jeediyay iyo sarkaalkaan muhiimka u ahaa Xukuumadda Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin, waxaana marar kala duwan Ukraine ay weerarro kala duwan ka dhex fulisay gudaha Ruushka.

