Rag hubeysan oo dad ku dilay Koofur Afrika

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu socdo baadigoob uu ugu jiro toogasho ka dhacday baar ay ku dhinteen 9 qof halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen taasoo ka dhacay magaalo ku dhow Johannesburg.

Waxay sheegeen in ilaa 12 dabley ah oo aan haybtooda la garanayn ay ku yimaadeen laba baabuur, “waxay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa baarka waxayna sii wadeen inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan iyagoo goobta ka baxsaday”.

Toogashada ayaa dhacday abaaro 01:00 wakhtiga maxaliga ah ee Axada (23:00 GMT ee sabtida).

Koonfur Afrika waxay ka mid tahay meelaha ay ka dhacaan heerarka dilalka ugu sarreeya adduunka, 45 qof 100,000kiiba sida ku cad tirokoobyada 2023-24 ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dembiyada.

Horaantii bishaan, ugu yaraan 11 qof oo uu ku jiro cunug, ayaa lagu toogtay guri ay deggan yihiin oo ku dhow Pretoria.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed