Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Dr. Badr Abdelatty, xilli ay ka wada qeyb galayeen Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa falanqeeyay xaaladaha amniga ee gobolka, iyadoo Masar mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Waxaa sidoo kale la xusay in taageero caalami ah uu u baahan yahay Howlgalka AUSSOM.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’antahay xoojinta iskaashiga Masar, si ay uga wada shaqeeyaan Amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dhankiisa, Dr. Abdelatty ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya si guul looga gaaro nabadeynta dalka.
Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM oo xaqiijinaya Amniga guud ee dalka.

