Xubnaha Mucaaradka siyaasadeed ee dalka ayaa oggolaaday in ay wadahadal la yeeshaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si looga arrinsado khilaafaadka iyo jihada doorashada dalka.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh uu ugu baaqay hoggaanka Mucaaradka, xilli ay kulan ku lahaayeen magaalada Kismaayo, in ay soo tashtaan isla markaana ay diyaariyaan ajende cad oo ku saabsan aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriira hanaanka doorashooyinka.
War murtiyeed ka soo baxay xubnaha Mucaaradka ee kaashanaya Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu xusay in ay doonayaan doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta.
Sidoo kale, xubnaha Mucaaradka ayaa ka hadlay xaaladda binu aadanimo ee dalka sida Abaaraha, iyagoo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameynta ku yeesheen abaarahaasi.

