MW hore Sheekh Shariif oo gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa maantay gaaray magaalada Ksimaayo halkaas oo la filayo in uu kaga qeyb galo shirka la filayo in uu dhawaan u furmo Siyaasiyiinat Mucaardka ah iyo maamulada Jubaland iyo Puntland.

Sheekh Shariif ayaa ka qeybgalaya Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo, kaas oo diiradda saaraya arrimaha ay ku diidanyihiin Dowladda Federaalka ah gaar ahaan hanaanka doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Horey waxaa halkaas u gaaray siyaayiiin ay kamid yihiin Ra’iisulwsaarayaal hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxamaa Cabdishakuur Warsame.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed