Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo, haalkaas oo uu saacadaha soo socda ka furmayo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo watay ciidamo ilaalo ah oo hubaysan, waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkayay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Wafdiga madaxweyne Deni ee Kismaayo waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxmaan Faroole, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo la-taliyeyaal madaxweyne.

