Midowga Afrika oo ka shiray Mustaqbalka Ciidanka AUSSOM

Golaha nabadda & Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah ka yeeshay Mustaqbalka howlgalka Ciidanka AUSSOM oo u baahan taageerre dhaqaale maadaama arrintaan ay culays ku tahay sii socoshada howlgalkooda.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Warbixin dhammaystiran laga dhagaystay, waxa uu ka hadlay xaaladda amni ee dalka, qiimaynta howlgalkaan ee Soomaaliya, culayska dhanka dhaqaalaha ah iyo baaqa loo dirayo dalalka caawinadda ay ka sugayaan.

Dowladda Aljeeriya ayaa sheegtay in ay taageerro buuxda la garab taagan tahay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, waxa ay Ballanqaadday in ay doorkeeda ka qaadan doonto garab istaagga uu u baahan yahay howlgalkaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fasaxooda uu ku socdo howlgalka Midowga Afrika ayaa dhowaan soo jeediyay in dhaqaale loo helo sii socoshada AUSSOM, Goluhu waxa uu adkeeyay in ay ka go’an tahay dardargelinta waxyaabaha dhankooda looga baahan yahay.

Ciidanka Afrikaanka ah ee Jooga Soomaaliya tan iyo 2007dii waxaa yaraaday shaqadii ay ka hayeen Dalka, Xarumaha Muhiimka ah waxaa gacanta ku haya Ciidamo Soomaali ah halka howlgallada si ka madaxbannaan AUSSOM ay intooda badan u fuliyaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed