Jamaal Maxamed Xasan oo maanta loo dhaariyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha XFS

Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta loo dhaariyay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dhaarinta Wasiir Jamaal waxa ay ka dhacday Aqalka uu ku shaqeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego wasiirkii ka horreeyay.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa horay usoo qabtay xilal kala duwan waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka, waxa uu dhowaan u tartamay Xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi-bari oo Firdhiye uga adkaaday.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed