Madaxweyne Deni oo ka hadlay geerida Jaamac Cali Jaamac.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Puntland Allaah ha u naxarstee Jaamac Cali Jaamac, oo habeenimadii xalay geeriyoodey.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay AUN Siyaasi Jaamac Cali Jaamac uu waxbadan ka soo qabtay dowlad dhiska iyo horumarka Puntland & guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Allaah ha u naxariisto Siyaasi Jaamac Cali Jaamac, Madaxweynihii hore ee Puntland oo caawa geeriyooday, Wuxuu ahaa masuul xilal kala duwan Soomaaliya iyo Puntland-ba kasoo qabtay, waxaan geeridiisa uga tacsiyeeynayaa Shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntlad , eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, Marxuumka Allaah Janadii ha geeyo inagana dhammaan Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo, Aamiin.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Jaamac Cali Jaamac, oo Garoowe loogu doortay Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambayn dalka ka baxay isagoo aan xafiiska la wareegin kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo qaadacay doorashadiisii.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed