Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay laba Wiil oo wada dhalatay, oo Mataane ah kuwaas oo horey loo sheegay in uu afduubtay mid ka mid Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanlle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shirjiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay labada Wii loo lagu kala magacaabo Ibraahim Muuse Ibraahim, Yuusuf Muuse Ibraahim iyo Aabahooda, isaga oo sheegay in arrintooda loo soo qabtay hal ruux.
Afhayeenka Booliska ayaa beeniyay wararka sheegaya in Xildhibaanka uu afduubtay labadaan wiil, balse ay xeer ilaalinta ku wareejiyeen eedeysanaha, halka kuwa kale lagu raadjoogo, ka dib markii caddeemo laga helay Kaamirada qarsoon ee CCTV.
Booliska Soomaaliya weli si rasmi ah uma sheegin mas’uuliyiinta ku lugta leh afduubka Wiilasha wada dhashay, ee sheekadooda todobaadyo haystay baraha bulshada, kuwaas oo dalbaday in arrintooda ay soo farogaliyaan laama amaanka.

