Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Gen. Asad Cismaan Diyaano ayaa hadlay cabasho shacab iyo saraakiil dowladeed ku sheegeen in dhulka Dab-damiska oo hore looga rayay la siiyay ganacsato.
Taliye Asad oo maanta ka hadlay arrintaas ayaa beeniyay in ganacsato la siiyay dhulka xarunta Dab-damiska, isagoo intaas ku daray in laga dhisayo xarun boolis iyo jaamacadda isbitaalka Madiina, kuwaas oo uu dhagax dhigay.
Gen. Asad wuxuu shacabka iyo saraakiisha dowladda ugu baaqay in ay taageeraan qorshaha lagu banaynayo dhulka dowladda, oo sida uu tilaamay laga dhisayo xarumo loogu adeego bulshada.
Xaafadda Dab-damiska ee magaalada Muqdisho waxaa muddo ka taagnayd xiisad, kaddib markii doowladda Soomaaliya ay dad danyar ah ka saartay dul dowladeed oo hore u daganaayeen.

