Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciyo ay soo diyaariyeen wasaaradaha iyo heshiisyo lala galay dowlado kale.

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada XFS ayaa lagu sheegay in shirka uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyadoo lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga, nabadeynta bulshada iyo doorashooyinka.

“Golaha waxaa ay ansixiyeen Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo lagala sameeyay culimada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha” ayaa lagu yiri Bayaanka Golaha Wasiirrada.

Sidoo kale, kulanka intii socday waxaa lagu anxiyay Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka oo markii ugu horreysay dalka yeelan doono.

Waxaa kale oo Golaha meelmariyeen Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka & Samatabixinta Badda iyo Axdiyada Geneva 12 August 1949 .

Ugu dambeyn, Wasiiradda ayaa ansixiyay ⁠heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya , kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed