Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay hadalladii dhaleeceynta ee dhawaan ka soo yeerayay Madaxaweynaha Dowladda Mareykanka, Donald Trump.
Ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyay in Trump aysan cusbeyn dhaliishiisa caalamka, isagoo dalal badan ku qaaday weerar dhinaca afka ah.
“Donald Trump wadamo badan ayuu wax ka sheegay, in aynan ka hadlin oo iska dhaafno ayaa ka dhib yar”  ayuu yiri ra’iisul waaare xamse.
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Trump sheegay in Soomaalida aysan dowlad rasmi ah laheyn, tillaabadaasi oo ay caro ka muujiyeen bulshada Soomaaliyeed.

