Canada, Finland, Norway, Cuba & Spain oo Soomaaliya usoo dirsaday Safiirro cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta nuqullo kamid ah Warqadaha Aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjireyaal cusub oo ka kala socda Dalalka Canada, Finland, Norway, Cuba & Spain

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadatay safiirradaan iyada oo ay wadaageen wadashaqaynta, Iskaashiga iyo danaha ka dhaxeeya dalalka ay ka socdaan ee soo dirtay iyo Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaam ayaa danjireyaashana cusub kula dardaarmay dardargelinta danaha dalalkooda ay la wadaagaan Soomaaliya, waxaana ay usii gudbayaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu dambayn warqadaha kala wareegaya.

Safiirradaan cusub waxa ay ku biirayaan danjireyaal ku sugan Muqdisho oo metalaya dalal kala duwan, waxaa sanadihii u dambeeyay sii kordhayay Waddamada Soomaaliya usoo dirsanaya Safiirrada maadaama dalka uu kasoo kabanayo dhibaatooyinkii uu ku jiray muddo dheer.

Sawirrada Safiirrada maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed