Dowladda Ingiriiska ayaa dhaliishay dib-u-dhacyada ku yimid gaarsiinta gargaar bini’aadantinimo Qasa, kadib markii in ka badan 1,100 teendho oo ay dirtay ay ku qaadatay in ka badan hal sano inay gaaraan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in inkasta oo uu jirto xabbad-joojin u dhaxaysa Xamas iyo Israa’iil, haddana weli ay jiraan caqabado hor istaagaya gaarsiinta gargaarka Ingiriiska u diray halkaa. Waxay intaas ku dartay in xaaladda Qasa ay faraha ka sii baxday, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 1.5 milyan oo qof ay si degdeg ah ugu baahan yihiin hoy ka hor jiilaalka.
Teendhooyinka—mid kasta oo awood u leh I la dejiyo hal qoys—ayaa Isniintii gaaray Qasa, waxaana la filayaa kuwo kale in toddobaadkan gudihiisa la geeyo.
Dowladda Ingiriiska waxay leedahay teendhooyinkani waxay caawin doonaan ku dhowaad 12,000 oo qof inay hoy helaan xilliga jiilaalka.
Cooper ayaa sheegtay in “dib-u-dhaca ku yimid gaarsiinta gargaarka aanu sii socon karin”, iyadoo ku baaqday in dhammaan marinada gelitaanka Qasa la furo si gargaar wax-ku-ool ah uu u sii socdo iyadoo aan hakad lahayn.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 1.9 milyan oo qof—qiyaastii 90 boqolkiiba dadka Qasa—ay barakaceen tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamas ee 2023-kii.
Cooper ayaa sidoo kale tiri, “In teendhooyinku yimaadaan waa tallaabo muhiim ah, balse waxaa loo baahan yahay gargaar dheeraad ah iyo dib-u-dhis degdeg ah oo Qasa laga bilaabo.”

