Xisbiga Mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray is hor istaaggii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu dalbaday in baaris madax-bannaan lagu sameeyo maadaama lagu xadgudbay maamuuskiisa.
Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay arrintu qabiil ahayn ama ay kawada hadlayaan reeraha ay ka kala dhasheen Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Talada haya ee Cabdiraxmaan Cirro balse loo baahan yahay in ay kawada xaajoodaan labada Xisbi.
Kaahin ayaa ka digay in arrintaan ay dhaliso buuq siyaasadeed loona baahan yahay in xeerka iyo dimaanka Somaliland lagu saleeyo oo lala xisaabtamo cidda iska leh mas’uuliyadda waxa ku dhacay Muuse Biixi Cabdi.
“Xukuumadda wixii dhacay iyada oo sugan haka hadasho, kuma qancin jawaabta laga bixiyay arrinta lagula kacay Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi, ma doonayno rabshado, arrintaan ma ahan mid ay kawada hadlayaan qabiillo ama reero ee waa mid u taalla labada Xisbi” Ayuu yiri, Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qaadday tallaabooyin ay ku xirtay saraakiil katirsan ciidamada Booliiska ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargaysa, balse Kulmiye ayaa sheegay in uusan ku qancin tallaabadaas.

