Dowladda Jarmalka oo dhawaan aqoonsaneysa Baasaboorka Soomaaliga

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow ayaa shaaciyay in dhawaan dalal badan oo caalamka ah ay aqoonsan doonaan Baasaboorka Soomaaliga.

Mr Dhuxulow ayaa si gaar ah u tilmaamay in Dowladda Jarmalka dhawaan aqoonsan doono Baasaboorka Soomaaliga.

“Dalal badan ayaa juhdi na galiyay, weliba dhawaan Jarmalka ayaa dhawaan aqoonsan doono Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow.

Hadalka Agaasimaha ayaa ku soo aadaya xilli dalal badan oo u badan kuwo ku yaalla Yurub aysan weli aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliga.

Dalalka qaar ayaa hadda aqoonsaya baasaboorka, maadama dalka isbadalka amni ahaan soo haggaagay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed