MW Lugatoor oo booqday xarumaha Dowlada ee Bosaso

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta booqday xarunta gobolka Bari iyo xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso.

Ujeedka booqashada ayaa lagu sheegay u kuurgelida shaqooyinka dowliga ah ee socda, adkaynta nabadgalyada guud, gaar ahaan tan gobolka Bari iyo ka qayb-galka horumarinta magaalada Boosaaso.

Mdaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kulamo la qaatay maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, isagoo warbixino ka dhageystay mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada.

Dhanka kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee garoonka, sidoo kale wuxuu booqday hotel casriga ah oo laga dhisayo gudaha garoonka, kaasoo dhismihiisu meel gabagabo ah marayo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed