MW Lugatoor oo la kulamy Dagvin Anderson

Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson, safiir ku-xigeenka safaaradda Maraykanka ee Muqdisho Justin Davis iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay amniga, gaar ahaan dagaalka Daacish ee Calmiskaad oo dowladda Maraykanka ay kaalin weyn ka qaadatay iyo wada-shaqaynta amniga badaha. Kulanka waxaa ka qaybgalay taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi, agaasimaha PMPF iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Maraykanka ayaa sidaan oo kale shalay Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyagoo sidoo kale booqday garoonka iyo dekedda Berbera.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed