Maxkamadda sare ee dalka Brazil, ayaa amartay in madaxweynihii hore ee garabka midig, Jair Bolsonaro, uu bilaabo xukunkiisa 27 sano iyo 3 bilood ah ee lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay afgambi ka dib markii uu ku guuldareystay doorashadii ugu dambeysay ee dhacday.
Garsoore Alexandre de Moraes, ayaa Talaadadii go’aamiyay in kiiska uu gaaray go’aankiisii ugu dambeeyay, islamarkaana aysan suurtagal ahayn racfaan kale.
Bolsonaro, oo 70 jir ah, ayaa lagu helay danbi ah inuu hogaaminayey shirqool la doonayey in lagu sii hayo xukunka ka dib markii uu doorashadii 2022 kaga adkaaday ninka la tartamayey ee garabka bidix, Luiz Inácio Lula da Silva.
Waxa uu bilaabayaa in uu ku dhamaysto xabsiga booliska federaalka ee caasimadda Brasilia, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo sabtidii ka dib markii loo arkay in uu khatar ku yahay duulimaadka lagana saaray xabsiga guriga.

