Cimilada iyo Ukraine oo looga hadlayo Shirka G20 ee Maraykanku ka maqan yahay

Hoggaamiyayaasha dalalka ku bahoobay G20 ayaa ku kulmaya Koonfur Afrika, gaar ahaan Johansburg oo ka uu furmayo shirka, waxaase Maraykanka oo la filayay inuu qabto guddoonka wareegga ayaan ka qayb galayn.

Arrimaha Ukraine ayaa la filayaa inay ka dhex muuqdaan shirka, iyada oo xulufada Kyiv ay ka tashanayaan falcelinta qorshaha nabadda Ukraine ee Madaxweyne Trump.

Koonfur Afrika ayaa rabta in shirka sannadka diirada lagu saaro isbeddelka cimilada iyo u gudbida tamarta cagaaran iyo sidoo kale gurmadka musiibooyinka iyo fududeynta daynta dalalka saboolka ah.

Waxaa G20 kamid ah dalalka warshadaha ugu waaweyn iyo kuwa dhaqaalahooda soo kordhayo. Sidoo kale waxaa xubno ka ah Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed