Puntland oo bilowday dhegaysiga kiiska Marxuumad Saabiriin Saylaan.

Maxkamadda Derejada 1aad ee degmada Galkacyo ayaa saaka u fariisatay kiiska Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle oo ay dilkeedu ka dhacay Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kiiska Marxuumadda ayaa waxaa eedaysanayaal ka ah Hodon Maxamuud Diiriye iyo Seygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi, oo ay kula noolayd mid kamid ah xaafadaha Magaalada Galkacyo.

Xeer ilaalinta Puntland oo dacwadda kiiskaan ka hor oogtey maxkamadda ayaa soo bandhigtay muuqaalo iyo sawirro ay duubtay eedaysane Hodon oo jirdil xooggan u geysatay marxuumadda, waxaana ay sheegtay inay dhibaato xooggan u geysatey kahor inta aysan ugu dambayn dilka geysan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa maalmihii dambe olole xooggan ka sameeyey baraha bulshada iyo waddooyinka Galkacyo si ay dowladda cadaadis ugu saaraan caddaalad u helidda Marxuumad Saabiriin.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed