Dhibaato cusub oo soo food-saartay Shacabka Qaza

Hay’adaha gargaarka ayaa ku celceliyay baaqyada loogu baaqayo Israa’iil inay ogolaato teendhooyin badan iyo sahayda degdega ah ee looga baahan yahay Gaza ka dib roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.

Hay’adahan ayaa sheegayin in ka badan rubuc milyan qoys ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo hoy ah.

“Waxaa dhiman doona dad xilligan qaboovaha, Caruurta iyo qoysasku way halligmi doonaan,” ayuu yiri Jan Egeland, Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC).

Iyadoo dadka intiisa badan ay ku barokaceen dagaal ba’an oo socday muddo laba sano ah, inta badan dadka reer Gaza ayaa hadda ku nool teendhooyin – in guriyo cooshado ka sameysan.

Dadka reer Qaza ayaa waxa ay imika dhibaato kala kulmayaan roobab xooggan oo halkaasi ka da’aya. Roobabkan waxaa ka dhashay fatahaado cagta mariyay qaar ka mdi ah guriyii ay dadka daganayaaeen.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in cudurro ay faafi karaan maadaama biyaha roobka ay ku qasmeen biyaha wasakhda ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed