QM oo u codeysay Qorshaha Nabadda Gaza ee colaadda lagu soo afjarayo

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay soo jeedinta la xiriirta in lasoo afjaro colaadda Magaalada Gaza isla markaana la geeyo ciidamo ka socda dalal kala duwan ayaa ugu dambayn goluhu u codeeyay qaraarkaas.

Fadhiga guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sharaxay soo jeedinta qaraarkaan, muhiimadda uu u leeyahay reer Gaza, damaanad-qaadka in aanay dib usoo laaban colaadda iyo gargaar joogta ah ay helaan Dadka Magaaladaas ku nool.

Kaddib soo jeedintaas iyo sharaxaaddaas dheeraad ah, golaha Ammaanka waxa uu gudagalay u codaynta waxaana ugu dambayn qaraarkaas uu noqday mid ansax ah maadaama codadka ugu badan uu helay sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegaya libinta qaraarkaas iyada oo ay jiraan dalal badan oo lahaa soo jeedintaan sida kuwa Carbeed ee martigeliyay heshiiskii xabbad-joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ahaa ee dhowaan dhacay.

Qorshaha Nabadda Gaza waxaa dadka soo dhaweeyay kamid ah Muwaadiniin Israa’iiliyiin ah sabab la xiriirta in ay diidanaayeen colaad dib usoo laabata maadaama qudhooda dhibaatooyin kala duwan kasoo gaartay dagaalladii socday tan iyo sanadkii 2023.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed