Shil gaari oo ka dhacay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sababay dhimashada 42 qof oo cumraysanaysay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladdaas oo tagay goobta uu shilku ka dhacay kana qaaday dadka waxyeellada soo gaartay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Shilkaan uu yimid kaddib markii ay isku dhaceen Bas ay la socdeen Dadka cumraysanayay iyo gaari kale meel u dhaxeysa Magaalooyinka Barakaysan ee Makka Al-Mukarrama & Madiina Al-munawara.
Gaariga Baska ah ayaa la sheegay in uu kusii jeeday dhinaca Madiina, waxaana saarnaa Rag, Dumar iyo Carruur kuwaas oo intooda badan ka tagay Magaalada Hyderabad ee Dalka Hindiya sida ay sheegeen warbaahinta Dalkaas oo xogtaan qayb ka baahiyay.
Shabakadda The Indian Witness ayaa sheegtay in Maamulka Hyderbad, Safaaradda hindiya ee dalkaas iyo Wasaaradda Arrima Dibadda Dalkaas ay si wadajir ah u xaqiijiyeen tirada dhimatay ee ah 42 qof oo u dhashay Dalkaan dhaca Qaaradda Aasiya.
Shilkaan ayaa kamid noqonaya shilalkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Allaha u naxariistee Dadka dhintay ayaa kasoo jeeda Gobolka Muslimiintu ku badan yihiin Hindiya, waxa ay gudanayeen Acmaasha Cumrada.

