32 qof ayaa naftooda ku waayay ka dib markii macdanta kobalt ay ku burburtay aagga macdanta Kalando, oo ku yaal degmada macdanta Mulondo ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Shilku wuxuu dhacay ka dib markii rasaas ay soo rideen shaqaalaha amniga ee ilaalinayay aaggas, taasoo keentay in macdan qodayaashu ay ku dhacaan god furan.
Isagoo ka hadlayay dhacdada, Axaddii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Lualaba, Roy Kaumba Mayonde, ayaa yiri, “In kasta oo si rasmi ah looga mamnuucay gelitaanka aagga sababo la xiriira roobab culus iyo khatarta dhul-go’, macdan qodayaasha sharci-darrada ah ayaa ku qasbay inay galaan aaggaas.”
Wuxuu intaas ku daray in “arrinta macdan qodayaasha ku sababtay burburka ay tahya buundo ku meel gaar ah oo ay dhisteen si ay uga gudbaan kanaal halkaasi ku yaal.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in 32 meyd la helay ilaa hadda iyadoo hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ay sii socdaan. Sawirro ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya meydadka macdan qodayaasha oo laga soo saarayo goobta iyadoo dadka deegaanku ay si naxdin leh u daawanayaan.
Mas’uuliyiintu waxay ku booriyeen macdan qodayaasha yaryar inay ka faa’iidaystaan tababarka kale ee dawladdu u fidiso ganacsiga beeraha si looga fogaado soo noqoshada masiibooyinka la midka ah arrintaan, marka ay ku lug yeeshaan hawlaha macdan qodista sharci darrada ah.

