Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Hans Lundquist.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in Sweden ay door muuqda ka qaadato barnaamijyada dib-u-dhiska dalka, horumarinta hay’adaha dowladeed, iyo xoojinta nabadda iyo dimuqraadiyadda.
Danjire Hans Lundquist ayaa dhankiisa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku bixineyso adkeynta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo ballan qaaday in Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya si loo gaaro horumar waara.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee cusub ee ku aaddan kobcinta dhaqaalaha, taageerada haweenka iyo dhalinyarada, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

