Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya, Sebastian Groth, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jarmalka taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga labada dal.
Dhankiisa, Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, ayaa tilmaamay in labada dal ay ka dhaxeyso saaxiibtinimo qoto dheer, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga si loo gaaro yoolalka wadajirka ah ee lagu horumarinayo Soomaaliya.

