Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in aan deegaannadooda lagu soo geli karin dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-visa) ee ay bixiso dawladda federaalka Soomaaliya.
Puntand iyo Somaliland waxay tilmaameen in dadka soo galaya deegaannadooda ay dal-ku-galka ka qaadan karaan garoomada diyaaradaha (On Arrival).
Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Cabdullaahi Bile Nuur ayaa maanta sheegay in ay dal-ku-galka ku bixinayaan garoomada diyaaradaha, isla markaana go’aanka dowladda federaalka ee E-vsa uusan ka shaqaynayn deegaannadooda.
“Anagu haddaan nahay Puntland dadku waxay fiisaha qaadanayaan markay garoomada yimaadaan (On Arrival), arrinta E-visa wax jira maahan, waa arrin dadka dusha laga saaray, waxaana kula talinaynaa dowladda Soomaaliya in ay ka noqoto go,aankaas” ayuu yiri Wasiirka Cabdullahi Bile.
linkiga hoos taabo https://www.facebook.com/share/v/1BR8a4GwgA/

