DFS oo si adag uga hadashay dilalka Aaanooyinka ah

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay dilalka aanooyinka iyo dagaallada beelaha walaalaha ee kasoo cusboonaaday qaybo kamid ah Dalka.

Wasaaradda ayaa ku baaqday in shuruud la’aan loo joojiyo falalka kahor imaanaya diinta Islaamka ee ka dhacaya qaar kamid ah Gobollada Dalka, waxa ay ku baaqday in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaas.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada dhacdooyinkaan ka dhaceen ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqday in ay gacan adag ku qabtaan qof weliba oo ka shaqeynaya ama ku howlan falalkaas.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed