RW Ku-xigeenka DFS oo ka qaybgashay shir looga hadlay Cimillada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee cimillada (COP30) ee lagu qabtay Magaalada Belem ee Dalka Brazil Koofurta Ameerika.

Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay shirkaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Dalalka xoogga saaraya wax ka qabashada aafooyinka ka dhasha isbaddelka Cimillada una baahan tahay in laga caawiyo waxyaabaha ay u baahan tahay.

Wadajir ayuu ku baaqay in loogu istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka laga dhaxlay Cimillada si gaar ah dalalka aanay awoodin maaraynta aafooyinkaas oo saamayn taban ku reebay sida uu hadalka u dhigay.

Waxyaabaha ka dhasha Isbaddelka Cimillada waxaa kamid ah Abaaraha, fatahaadaha iyo kuwo kale oo intooda badan saamaynta ugu weyn ku reebo dadka ku sugan Miyiga oo isugu jira Xoolo dhaqato iyo beeralay sida warbixinnada lasoo saaray lagu sheegay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed