Golaha wasiirada Puntland oo maanta yeeshay shirkoodii todobaad laha ayaa soo saaray labo go’aan oo Puntland ku doonayso in ay uga maaranto adeegyada ay bixiyo dowladda federaalka.
Golaha wasiirrada Puntland ayaa go’aamiyay in wasaaradda amniga dib-loogu celiyo adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka baasaboorada ajanebiga yimaada Puntland.
Sidoo kale golaha wasiirrada Puntland waxay isku raaceen in 1-da January 2026, la hawlgeliyo hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Puntland ee (PID).
Puntland ayaa labadan go’aan gaartay, xilli maarmo ka hor ay dowladda federaalku joojisay fiisihii dal ku jooga ee laga bixin jiray dowlad goboleedyada, sidoo kale ay adeegyo badan ku xirtay kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA.

