Puntland oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray Daacishtii ka dagaalamaysay Calmiskaad

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay guul weyn ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay ururka Daacish, isagoo sheegay in la soo afjaray kooxdii Daacish ee ka dagaallamaysay buuraha Calmiskaad.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka sheegay maanta markii uu hortagay Baarlamaanka Puntland, isagoo xusay in maalmaha soo socda la soo afjari doono tiro yar oo dagaalamayaal ah oo weli ku dhuumaaleysanaya godad ku yaalla togga Baallade.

Deni ayaa sheegay in buuraha Calmiskaad ay ku dhuumaaleysanayeen kooxo u badan ajaanib mayal adag, oo uu tiradooda ku qiyaasay ku dhowaad 2,000 oo qof, kuwaas oo kasoo kala jeeda sida uu sheegay dalal badan.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay dalalka Mareykanka, Imaaraatka Carabta, Ingiriiska, Itoobiya iyo Kenya kaalinta ay ka qaateen dagaalka lagu ciribtirayo ururka Daacish.

Hadalka Deni ayaa imaanaya xilli dagaallo culus todobaadkan ka socdeen togga Baallade, halkaas oo ciidamada Puntland ay weli kula dagaalamayaan xubno yar oo ka tirsan Daacish.

Howlgallada ayaa ka socda Ceelka Baarakalaah iyo Xays, oo ah dhul aad ugu adag oo godad leh, taas oo adkaysay in ciidamada Puntland ay gudaha u galaan. Si kastaba, diyaaradaha Mareykanka ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay duqeymo la beegsaday goobahaas, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha.

Ku dhowaad sanad ayaa laga joogaa markii Puntland ay ku dhawaaqday guluf dagaal oo ka dhan ah ururka Daacish. Deni ayaa sheegay in Puntland ay hadda xoraysay inta badan dhulkii ay kooxdu horay uga talin jirtay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed