Ugu yaraan 40 qof oo tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa geeriyooday kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Tunisia.
Doonidan ayaa ku degtay meel u dhow dekedda magaalada Mahdia ee bartamaha Tunisia, iyadoo sidday ku dhowaad 70 tahriibayaal ah oo dhammaantood ka soo jeeda dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, sida uu xaqiijiyay sarkaal u hadlay dowladda.
Masuuliyiintu ma aysan bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay shilka, hase yeeshee waxay sheegeen in la bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo duruufaha keentay degitaanka doonida.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ku dhowaad 30 qof la soo badbaadiyay, halka tobanaan kalena weli la la’yahay.
Shilkan ayaa noqday mid ka mid ah kii ugu dhimashada badnaa ee sannadkan ka dhaca badda Mediterranean, taas oo ah marin tahriibayaasha Afrikaan ka adeegsadaan si ay uga gudbaan Afrika una tagaan Yurub.
Sida laga soo xigtay xogta Qaramada Midoobay (UN), in ka badan 210,000 qof ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean sanadkii 2023, halka 60,000 kale la qabtay oo dib loogu celiyay Afrika, iyo ku dhowaad 2,000 qof oo ku nafwaayay badda.
Tunisia ayaa wajahaysa cadaadis sii kordhaya oo ku saabsan maareynta qulqulka tahriibayaasha ka imanaya gobollada ay dagaalladu ka socdaan iyo saboolnimadu ka jirto, kuwaas oo rajeynaya nolol ka wanaagsan qaaradda Yurub.
Badda Mediterranean ayaa weli ka mid ah marinnada ugu khatarta badan ee socdaalka adduunka.

