Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ay weheliyaan guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa ka qaybgalay aaska Alle ha u naxariistee Cali Faarax Cali (Farmayeeri), oo salaadda Janaasadiisa lagu tukaday garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garowe.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray goleyaasha dowladda, shacabka Puntland, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo marxuumka u rajeeyay naxariista Eebbe, Jannadii Fardowsana uu ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka uu ka baxay.
AUN Cali Faarax Cali (Farmayeeri) wuxuu ahaa mas’uul ku suntanaa arrimaha bulshada, nabadda, iyo horumarka Puntland iyo Soomaaliya. Waxa uu muddo ku dhow 20 sano xubin iyo agaasime ka ahaa hay’adda PDRC, isagoo door muuqda ka qaatay dadaallada nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.
Salaadda janaasadda iyo aaska marxuumka waxaan kaloo ka qeybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobolka Nugaal, guddoomiyaha degmada Garoowe, siyaasiyiin, ururada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Garowe.

