Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Sareeye Guuto Saad Khalaf Badr, iyagoo kawada hadlay iskaashiga dhanka amniga, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga aqoonta, iyo la dagaallanka argagixisada.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Bağdad ayaa waxaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq, Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, Dhanka Ciraaqna waxaa goobta joogay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska dalkaas, kuwaas oo qeyb ka ahaa wadahadallada labada dhinac.
Sareeye Guuto Saad Khalaf Badr ayaa si diirran u soo dhoweeyay wafdiga Soomaaliya, isagoo ku casuumay Taliye Asad wadahadallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, maadaama ay Soomaaliya iyo Ciraaq leeyihiin xiriir soo jireen ah oo diblomaasiyadeed iyo mid diimeed.
Labada dal ayaa xubno ka ah Jaamacadda Carabta (Arab League), Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Qaramada Midoobay (UN), taasoo muujinaysa danaha ay wadaagaan ee ku aaddan nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya iyo Ciraaq ku doonayaan inay dib u xoojiyaan awoodahooda amni iyo difaac, xilli labada dal ay kasoo kabanayaan dagaallo iyo qalalaase muddo dheer saameeyay.
Iskaashigan cusub ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadi doona xirfadda iyo waxtarka ciidamada booliska ee labada dal, iyadoo la filayo in uu horseedo barnaamijyo tababar iyo aqoon-is-weydaarsi ah oo labada dhinac si wadajir ah u fulin doonaan.

