Ayatollah Khamenei oo Trump ku tilmaamay beenaale

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa Isniintii ku gacan seyray wadahadal dib u cusbooneysiin ah oo uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna beeniyay sheegashadiisa ah in Mareykanka uu burburiyay awooddii Nukliyeerka ee Iiraan.

Tehran iyo Washington ayaa wada yeeshay shan wareeg oo wada xaajoodyo aan toos ahayn oo dhanka nukliyeerka ah kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii June kaas oo Israa’iil iyo Maraykanku ay ku duqeeyeen xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan.

“Trump waxa uu sheegay in uu yahay ganacsade, laakiin haddii heshiiska uu la socdo jujuub, natiijada ka soo baxdana la go’aamiyo, ma aha heshiis ee waa wax kusoo rogid iyo cagajugleyn,” Khamenei ayaa sidaas yiri sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu u sheegay baarlamaanka Israa’iil inay aad u wanaagsan tahay haddii Washington ay kala xaajooto “heshiis nabadeed” Tehraan, kaddib markii xabbad-joojin ay Qasa ka billaabatay taasoo u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

“Madaxwaynaha Maraykanku wuxuu si kalsooni leh u sheegay in ay duqeeyeen oo ay burburiyeen warshadihii nukliyeerka ee Iiraan. Si fiican u wad riyada!” Khamenei ayaa intaas ku daray.

“Maxaa ka khuseeya Maraykanka haddii Iiraan ay leedahay tas-hiilaad nukliyeer ah iyo haddii kale?Faragelintani waa mid aan habboonayn, khalad ah iyo qasab.”

Quwadaha reer galbeedka ayaa Iiraan ku eedeeya in ay si qarsoodi ah isugu dayayso in ay samaysato bam nukliyeer ah iyada oo la tayeynayo Uranium-ta, waxaana ay doonayaan in ay joojiso hawshaas.

Tehran ayaa beenisay in ay doonayso in ay hub tayayso, iyada oo sheegtay in barnaamijku leeyahay ujeeddooyin tamar rayid oo keliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed