Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay amar lagu joojinayo soo dejinta iyo keenista gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan “Cabdibilaaha” dekedda Hobyo.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha, Adan Warsame Cilmi, ayaa lagu faray dhammaan shirkadaha wax kasoo dejiyo dekedda Hobyo in ay ka fogaadaan soo dejinta ama rarista gawaarida noocan ah, iyadoo lagu tilmaamay in gaarigan uu si joogto ah ugu lug leeyahay falal amni-darro, ayna isticmaalan AS.
Wasiirka ayaa sidoo kale digniin u diray cid kasta oo lagu helo iyagoo keenaya ama isticmaala gawaaridan.
Wasaaradda Amniga ayaa ku wargelisay hay’adaha amniga iyo maamulka dekedda Hobyo in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay fuliyaan amarkan si degdeg ah.
War-saxaafadeedkan ayaa Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli 11 bishaan October sidoo kale Hirshabeelle ay mamnuucday in la soo dejiyo gaadiidka Ciidanka.

