Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa Xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo kaasoo Taliska hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana lagu dilay ilaa 7 xubnood.
Howlgalkan oo Xalay sadax jeer oo kala duwan ka dhacay deegaanka Kuukaayle ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaall iyo teendhooyin ay maleeshiyaadkau ku dhuumaaleysanayeen.
“Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Khawaarij ah, howlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, iyada oo ugu dambeyna beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Maleeshiyaadka ay abaabulayeen” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.
NISA waxay qoralkeeda ku sheegtay in howlgalka uu ahaa mid ku yimid xogo sirdoon oo lagu ogaaday in dhaqdhaqaaqyo halkaasi ka wadeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidamadu ay ka hortageen dhaqdhaqaaqyadooda, lana soo afjaray abaabulkii ay wadeen.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA oo dhameystiran:-


