MW Deni oo kulan la qaatay guddiga amniga iyo horumarinta Bosaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maxamed Baari Shire, ayaa kulan la qaatay Guddiyada Amniga iyo Horumarka ee degmada Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta Amniga degmada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari, iyadoo Madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga.

Dhanka kalena, kulanka ayaa siweyn loogu gorfeeyey horumarinta degmada iyadoo Guddiga Horumarintu la wadaageen madasha, qorsheyaasha horumarinta iyo bilicda magaalada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed