La-taliyaha sare ee madaxweynaha Maraykanka ee arrimaha Afrika, Carabta iyo Bariga Dhexe, Massad Boulos, ayaa xaqiijiyey sida ay Washington uga go’an tahay in xal nabadeed loo helo muranka biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), isagoo sheegay in arrintan loo maro hab farsamo oo aan siyaasad ahayn.
“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u heli lahayn xal ku habboon dhammaan dhinacyada, gaar ahaan dhinaca farsamada, maaddaama ay tahay keliya arrin farsamo oo ay tahay in lagu xalliyo qaab farsamo,” Boulos ayaa u sheegay Al Carabiya Isniintii.
Waxa uu ku tilmaamay khilaafkaasi mid nolol iyo geeri ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya, isaga oo intaa ku daray in biyo-xidheenka “hadda uu dhab yahay” kadib markii la dhammeeyey oo si rasmi ah loo daahfuray. “Waa in xal laga helaa xaqiiqadan,” ayuu yiri.
“Waa in xal laga helaa xaqiiqadan,” ayuu yiri.
Biyo-xireenka tamarta laga dhaliyo ee ku kacaya $4 bilyan oo doollar ah oo laga dhisayo webiga Niilka Buluugga ah, awooddiisuna tahay 74 bilyan oo mitir kuyuubik ah, ayaa dhismihiisu socday tan iyo sannadkii 2011. Itoobiya ayaa diidday in ay heshiis sharci ah la gasho waddamada hoose ka dib wadahadallo toban sano ka badan socday.
Qaahira iyo Khartoum ayaa sheegay in buuxinta biyo-xireenka halka dhinac ee Addis Ababa ay si weyn u dhimi karto qulqulka biyaha xilliyada abaaraha.
Itoobiya ayaa kaydka buuxisay heshiis la’aan, iyada oo dhammaystirtay shan marxaladood oo buuxin ah intii u dhaxaysay 2020 iyo 2024, taas oo sii xoojinaysa xiisadda Masar iyo Suudaan.

